Waxaan rumeysanahay Eebbe, Aabbaha Qaadirka ah, ee uumay samada iyo
dhulka.
Iyo Ciise Masiix, oo ah wiilkiisa madiga ah, Sayidkeenna, oo Ruuxa
Quduuska ah laga uureystay, oo uu ka dhashay Maryan oo cadrad ah, oo
uu ku hoos silcay Bontiyos Bilatos, oo saliibka lagu qodbay, oo uu
geeriyooday lana aasay. Galay cadaabka, oo
maalintii saddexaad ka soo sarekacay dhimashadii, loona
dheelmiyay samada, oo uu fadhiyo Eebbe midigtiisa, oo ah Aabbaha
Qaadirka ah, oo halkaasuu ka imaan doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo
kuwa dhintayba.
Waxaan rumeysanahay Ruuxa Quduuska, kaniisadda Masiixa ee quduusan,
kullanka awliyada, cafiska dembiyada, sarakicida jidhka, iyo nolosha
weligeed ah. Aamiin.